Baarlamaanka Koofurgalbeed oo xasaanada ka qaaday saddex xildhibaan

Xildhibaanada Baarlamanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa cod gacan taag ah Xasaanada uga Qaadey 3 Xubnood ka tirsan Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya ka dib markii Xafiiska Xeer ilaalinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ku edeysey in ay Dambi ka galeen Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ,iyo kicin bulsho.

Xildhibaanada xasaanada lagala noqday ayaa kala ah Ismaacil Ahmed Cabdullahi, Xasan Maxamed Guudow iyo Ibraahim Macalin Cali.

Waxaana Eedeynta Xildhiibanada hortoodi ka soo jeediyey Xeer ilaaliyaha Guud ee Koonfur Galbeed Abukaate Sheekh Aadan Mukhtaar (Shuuri)

Waxaa kulanka Baarlamanka Soo xaadirey 63 mudane , Waxana cod loo qaadey in kalsoonida lagala Noqodo Sedaxda Xildhibaan Waxaa ogolaadey 38,Waxaa diidey 10 waxaana ka Aamusey 15 .

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More