Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay wax ka beddelka Dastuurka
Jun. 20 (Jowhar.com)-Baarlamaanka Puntland ayaa lagu soo wqramayaa iney ansixiyeen furusta ama wax ka bedelka lagu sameenayo dastuurka maamulka Puntland, arrintaas oo xiisada ka dhalatay ay saaka gacan ka hadal isu bedeshay.
34 Xildhibaan ayaa oggalaatay , hal mudane ayaa diidday, ma jirto cid ka aamustay, sidaa ayaana la sheegay inuu ansax ku noqday soo jeedinta in wax laga beddelo Dastuurka.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in fadhiga manata ay soo xaadireen 35 Xildhibaan, sida lagu shaaciyey bogga Baarlamanka oo baahiyey xogta iyo sawirrada kulanka.
Dhinaca kalena, Dagaalka culus ayaa Garoowe weli ka socda, iyada oo si joogta ah loo maqlayo hubka waa weyn.