Baarlamaanka Puntland oo maanta dood adag ka yeelanaya doorashooyinka

Oct 28 (Jowhar.com)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ayaa sheegaya in maanta kulan xasaasi ah ay yeelanayaan xildhibaanada maamulkaasi.

Sida wararku tilmaamayaan, golaha Wakiilada Puntland ayaa kulankooda uga doodi doona arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka, taasoo laf dhabar u ah khilaafka u dhaxeeya mucaaradka iyo maamulka hadda jira.

Sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo xogogaal ah, fadhiga golaha waxaa lahorgeynayaa xeerarka doorashooyinka Madaxweynaha iyo golaha wakiilada oo la dhameystiray, qodobka la xariira arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka oo Ajendaha lagu daray ayaa iyana xasaasiyad gaar ah wadata, gaar ahaana marka laga hadlayo waxa ku hoos-duugan oo aan sahal aheyn.

Qoraal loo diray muadanayaasha baarlamaanka oo uu ku saxiixnaa gudoomiyaha baarlamaanka Puntland C/rashiid Yuusuf Jibriil ayaa looga dalbaday iney xildhibaanada soo xaadiraan kulanka muhiimka ah ee ka tirsan kalfadhiga 53-aad ee baarlamaanka.

Lama oga waxa kasoo bixi doona fadhigan oo si aad ah isha looogu wada hayo, waxaana uu kusoo aaday xili mucaaradka Puntland ay diideen mudo korhdinta loo sameeyay Siciid Deni

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More