Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay hindise sharciyeedka Socdaalka
Mar. 06 (Jowhar.com)-Baarlamaanka dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa kulan ay maanta yeesheen ku ansixiyay hindise sharciyeedka Socdaalka, kaasi oo maalmihii dambe ay doodiisu ka socotay golaha shacabka.
Sharcigaan ayaa waxaa ogolaaday 145-xildhibaan, hal xildhibaan ayaa diiday, halka lix kalana ay ka aamustay.
Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha Maxamed Cali Xagaa ayaa golaha uga mahadceliyay meel marinta sharcigan oo kaalin muhiim ah ka qaadan doono dowlad dhisida Soomaaliya, sida ay sheegtay wakaaladda warrarka ee SONNA.
“Ansixinta Hindise sharciyeedka socdaalka iyo Jinsiyadda wuxuu door muhiim ah ka qaadanayaa dhismaha Dowladnimada” Ayuu yiri Wasiirka.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa toddobaadyadi la soo dhaafay waxa ay ka doodayeen Hindise sharciyeedka Socdaalka.