Baarlamaanka Soomaaliya oo loo gudbiyay heshiiskii golaha wadatashiga qaran.

Jun. 11 (Jowhar.com)-Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macalin ayaa ku wareejiyay Guddiga Dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuurka heshiisyadii ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaran.

Illaa shan heshiis ee Goluhu gaareen oo ay Puntland ka maqneyd ayaa Guddiga Dib u eegista Dastuurka oo uu Guddoomiye u yahay Xildhibaan Xuseen Iidow iyo Xoghayaha Guddiga Saciid Cabdi Xuseen

Heshiisyadan ayaa la qorsheynayaa in laga qeyb geliyo wax ka bedelka Dastuurka, waxaana su’aal ka taagan tahay sida heshiisyadan waddar oggol loogu soo dabaali karo, iyadoo ay Puntland qeyb ka aheyn.

Heshiisyada lagu wareejiyay Guddiga ayaa kala ah

1- Heshiiska Hannaanka Federaalaynta Garsoorka  Decenber, 2022

2- Astaynta awoodaha Hay’adaha Dowladda    December, 2022

3- Heshiiska astaynta iyo Wadaagga daqliga Maarso 2023

4-Heshiiska qaab dhismeedka amniga Qaranka Maarso 2023

5- Heshiiska Hannaan Doorashooyinka Qaranka Maarso 2023

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More