Baarlamaanka Soomaaliya oo u tartamaya Guddoomiyaha Baarlamaanka Adduunka

Sep 09 (Jowhar.com)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay Kalfadhiga saddexaad kulankiisa 24-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka maanta ayaa ajandihiisu ahaa warbixinta guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, ee ku saabsan shirweynaha Isbedelka Cimilada Qaarada Afrika, iyo taageerada Musharraxnimadda Xildhibaan Marwa oo u tartameeysay Madaxweynaha Midowga Baarlamaanka Aduunka (Inter-Parliamenty Union).

Xildhibaan Marwa Cabdi Bashiir oo u sharaxan xilka Baarlamaanka Adduunka ayaa Xildhibaannada Golaha Shacabka hortooda ka jeedisay warbixinteeda musharaxnimo, taas oo Soomaaliya uga faa’ideysan karto arrimaha siyaasadda, horumarinta adeegyada dowladda, iyo go’aano masiiri u ah dalka. Sidoo kale Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa soo jeediyay in garab istaageeda uu muhiim u yahay guud ahaan dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxwaynihii hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xildhibaan Shariif Sheekh Axmed ayaa codkiisa ku biiriyay in la taageero olole xoog lehna loo galo Xil. Marwa Cabdi Bashiir, sidii ay ugu guuleysan laheyd xilka ugu sareeya ee Madaxweynaha Baarlamaanka Aduunka.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo gunaanadka kulanka soo xiray ayaa sheegay in kulanka maanta uu yahay taageero kaliya, waxaana uu sheegay in Xildhibaanadda loo sameyn doona olole qaran isla-markaana wuxuu tilmaamay in Baarlamaanada saaxib-ka la’ ah Soomaaliya laga codsan doono ineey na garab istaagaan.

Midowga Baarlamaanka adduunka oo ay xubno ka yihiin 179 wadan, ayaa soo jiray in ka badan 120 sano, waxaana uu xariiriyaa Baarlamaannada Caalamka oo dhan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More