Baarlamaanka Uganda oo doortay Guddoon cusub

Mar 26 (Jowhar.com) –Baarlamaanka Waddanka Uganda ayaa jimcihii shalay doortay guuddomiye cusub kaddib geeridii guddoonkii hore.

Anita Among, ayaa loo doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka waddanka Uganda waxaana ay beddeshay Jocob Oulanyah Sabtigii hore geeriyooday.

Ms Anita ayaa heshay 401 cod oo ka mid ah 519ka Xildhibaan ee uu oa koobanyahay Baarlamaanka waddanka Uganda.

Among,waxaa ay ka soo jeeddaa Xisbiga NRM ee Museveni,waxaana ay ka adkaatay Asuman Basalirwa.

Asuman waxaa uu ka soo jeedaa Xisbiga Mucaaradka ah,waxaana uu helay 66 cod oo kali ah.

Xisbiga NRM waxaa uu Baarlamaanka ku leeyahay 330 Xildhibaan waana xisbiga Aqlabiyadda.

Jocob ayaa Sabtidii ku geeriyooday Seattle Mareykanka,halkaas oo uu ku xanuunsanayay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More