Baarlamaanka Waqooyi Bari oo doortay gudoomiye KMG ah

0
47

Aug 17 (Jowhar) Waxaa maanta magaalada Laascaanood lagu dhaariyay, Shahaadada xildhibaanimana lagu gudoonsiiyay Xildhibaanada baarlamaanka Waqooyi Bari. Ku Simaha Guddoomiyaha Maxkmadda Sare ee Waqooyi Bari Maxamed Yuusuf Warsame ayaa dhaariyay xildhibaanada.

Guddoomiyaha Ku-meelgaarka ah ee Baarlamaanka Waqooyi-Bari Soomaaliya waxaa loo doortay Xildhibaan Maxamuud Salaad Warsame oo ah qofka ugu da’da weyn mudanayaasha cusub.

Xildhibaanada maamulkan waa 83 xubnood, kuwaas oo loo qeybsaday labo gobol iyo degmada Buuhoodle:

Gobolka Sool → 30 xildhibaan

Gobolka Sanaag → 37 xildhibaan

Degmada Buuhoodle (Togdheer) → 16 xildhibaan

Qaar kamid ah musharrixiinta u taagan xilka Madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari ayaa hanbalyeeyay xildhibaanada cusub, walow muran uu ka taagnaa kalsoonida lagu qabo guddiga hubinta iyo ansixinta xildhibaaanada ee ay DFS soo magacowday

Xildhibaanada maamulkan waxaa u badan dad dhalinyaro ah oo siyaasadda ku cusub oo ay kamid yihiin weriyayaal baraha bulshada caanka ah, iyadoo maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya uu noqonayaa mid kamid ah maamulada yeeshay xildhibaanada badan ee Baarlamaanka.