Baashe Yuusuf oo sheegay inuu go’aan ka soo saari doono dacwada Kursiga HOP086

April 19 (Jowhar.com) – Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa ku dhawaaqey in fadhigii maanta ee dhageysiga dacwada kurisiga HOP086 xiran yahay, isla markaana uu go’aan kasoo bixi doono Maxkamadda dhawaan.

Hase yeeshee guddoomiyaha maxkamada sare ayaan sheegin xilliga rasmiga ah ee ay ku dhawaaqi doonto go’aanka dacwada kursiga HOP086.

Maanta ayaa Maxkamadda Sare ee dalka waxaa ay bilowday dhageysiga dacwadda ka dhanka ah Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal waxaana goobta dhageysiga Maxkamada ku sugnaa Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed, waxaana goobta lagu dhageystay dacwad u dhaxeysay qareenka Fahad Yaasiin iyo xafiiska garyaqaanka guud ee dalka oo ka wakiil ah guddiga doorashooyinka.

Dhagaysiga dacwadan oo si toos ah looga daawanayay baraha bulshada ayaa labada dhinac ee doodu u dhexeysay soo bandhigeen sida ay u arkaan kiiska dacwada la xiriirta xayiraada kursiga uu ka soo qaatay Fahad Yaasiin magaalada Beledweyne.

Dadka siyaasada faaqida ayaa aaminsan in Maxkamada Sare ay dooneyso inay fasaxdo kursigan iyadoo taageerayaasha Fahad Yaasiin ay sii sheegeen in kursigan loo fasixi doono.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More