Bam lagu soo xirey Gaari Dameer oo ku qarxay Xadka Soomaaliya iyo Kenya

Jan 18 (Jowhar.com)-Bam lagu soo xiray gaari dameer ayaa ku qarxay xadka ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya, waxaana ku dhintay hal askari, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

Laba qof oo kale ayaa ku dhaawacmay, sida lagu sheegay qoraal uu soo dhigay X oo ka soo baxa wargeyska Nation.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada booliska ay baarayeen badeecooyinka saaran dhabarka dambe ee gaari dameerka,markii uu qarxayay bamka.

Gaari dameerka ayaa gudaha u soo gudbay dhanka dalka Kenya gaar ahaan magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari

Muuqaal la sheegay in goobta laga soo qaaday ayaa muujinaya qiiq madow oo ka soo baxaya halka uu qaraxu ka dhacay. Sawirro laga soo qaaday dhacdadan ayaa muujinaya dameer nabar leh oo taagan.

Mandera ayaa dhowr jeer oo hore waxaa lagu bartilmaameedsaday ciidamada Kenya iyadoo ay sidoo kale weeraro ka geysteen kooxda Al-Shabaab

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More