Banaanbax dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay Kenya

June 25(Jowhar.com)Dhowr qof ayaa ku dhimatay kadib markii ciidamada booliiska Kenya ay rasaas toos ah ku fureen dibadbaxayaal isku dayayay in ay xoog ku galaan xarunta Baarlamaanka Kenya, halkaas oo sharci-dajiyayaashu u codeeyeen in la meel mariyo sharciga maaliyadda ee muranka dhaliyay kaas oo canshuur kordhin lagu sameeyay.

Kumanaan kun oo qof ayaa isugu soo baxay banaanbax ay hogaaminayaan dhalinyarada kaasi oo ay ku dalbanayeen in xildhibaanada baarlamaanka ay u codeeyaan sharcigan, iyadoo ay cirka isku sii shareereyso xiisada ka dhalatay sicir bararka maciishada ee ka taagan dalkaasi.

Balse xildhibaanada ayaa u codeeyay in la meel mariyo sharcigan, waxaana qaar ka mid ah ay ka carareen xarunta, iyadoo dibad baxayaasha ay ku xadgudbeen xarunta Baarlamaanka Kenya. Waxayna dadka banaanbaxayay ee gudaha u galay Baarlamaanka ay gubeen qeybo ka mid ah xarunta Golaha Shacabka.

Booliiska ayaa ugu dambeyntii ku guuleystay in ay dibad-baxayaasha ka kaxeeyaan dhismaha iyadoo ay cirka isku shareertay sunta dadka ka ilmaysiisa iyo dhawaqa rasaasta.

Xildhibaanada ayaa lagu daadgureeyay godad dhulka hoostiisa mara, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha.
Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in 5 ruux ay dhinteen 31 kalana ay dhaawacmeen banaanbaxa rabshadaha watay sida ay sheegeen ururka dhaqaatiirta Kenya iyo dhowr kale oo NGO-yo ah oo bayaan ay soo saareen Talaadadii.

Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa ku bogaadiyay hay’adaha ammaanka dowladda Kenya sida ay u difaaceen Kenya iyo dadkeeda intii lagu guda jiray dibadbaxii ka dhanka ahaa sharciga maaliyadda.

“Waxaan u mahadcelinayaa saraakiisheenna ammaanka ee maanta shaqada ku jiray sida ay ugu dadaaleen sidii ay u difaaci lahaayeen Kenya iyo dadkeeda,” ayuu yiri Ruto.

Madaxweynihii hore ee Kenya Uhuru Kenyata ayaa soo saaray qoraal uu ugu baaqayo madaxda dalka inay isdejiyaan oo ay is xakameeyaan.

Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa ugu baaqay dowladda in ay si degdeg ah u joojiso xoogga ay ciidamada kula kacayaan shacabkooa.

War qoraal ah oo uu soo dhigay Facebook, ayuu Odinga sidoo kale ku baaqay in la soo xiro askar ka tirsan booliska oo lagu eedeeyay inay toogasho ku dileen dibadbaxayaal, iyo sidoo kale in si degdeg ah looga laabto sharciga maaliyadda ee dalka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More