Banaanbax lagu dalbanayo sii deynta Sheegow oo ka socda Muqdisho

Aug 20 (Jowhar.com)-Dibadbaxayaal ka caraysan xarigga Sheegow Axmed Cali oo ah sarkaal la dagaalamay ciidamada amniga ee caasiamdda Muqdisho ayaa isugu soo baxay qaar kamid ah wadooyinka muhimka.

Wadooyinka ay tageen dadka dibad baxayay waxa kamid ah isgoyska km4 oo ku dhaw xarunta dambi baarista ee CID-da, waxay ku dhawaaqayeen erayo ay uga soo horjeedaan sarkaalka xiran.

Waxa hakad kooban ku yimid isu socodka wadadaasi muhimka ah iyadoo markii dambe ay boolisku yimaadeen si ay u yareeyaan saxmadda ka dhalatay mudahaaraddada ka socday km4.

Wadada kale ee Danwadaagaha ayaa iyana laga soo weriyay banaanbaxyo kale oo lagu diidan yahay xarigga Sheegow.

Si kastaba, Ciidamada ammaanka ee magaalada Muqdisho ayaa Sabtidii sheegay in la soo xiray Sheegow Axmed Cali iyo dhawr iyo labaatan nin oo ciidan kiisa ka tirsan kaddib markii lagu eedeeyay in dagaal hubeysan ay kala hor yimaadeen ciidamo roonda ah oo shaqo ka hayay degmada Dharkenley.

Sheegow oo darajadiisa ciidan lagu muran sanyahay, booliskuse sheegay in uu ahaa kabtan horey uga tirsanaan jiray ciidamada milatariga ayaa hadda ku xiran xarunta dambi baarista booliska ee magaalada Muqdisho, waxana la sugayaa in saraakiisha xafiiska xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida ay dacwad ku soo ooga

Dhinaca qaar kamid ah odayaasha iyo xildhibaannada ay isku reerka yihiin Sheegow ayaa lagu wadaa in maanta ay shir ku yeeshaan Muqdisho kaas oo ay kaga hadlayaan dhibkii ka dhacay degmada Dharkenley ee markii dambe keenay in Sheegow iyo ciidan kiisii jeelka lagu guro

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More