Banaanbax lagu waday in Muqdisho uu ka dhaco Khamiista oo baaqday

Waxaa dib loo dhigey muddo aan la cayimin banaanbax lagu taageeri lahaa Ra’iisul Wasaare Rooble loogana soo horjeeday Farmaajo oo la qorsheeynayay inuu ka dhaco caasimada dalka ee Muqdisho maalinta khamiista ee berri ah.

Duqeyda dhaqanka oo uu hogaaminayay Ugaas Maxamuud Cali Ugaas ayaa ku guuleystay dadaalo ay saacadihii la soo dhaafay ay wadeen, isagoo gogol u dhigay dhinacyadii ku lugta lahaa qaban qaabada bannaan baxa, si aanay magaalada qalalaase ka dhasha bannaan baxa uga dhicin.

Kulan ka dhacay Hotel Afriik ee magaalada Muqdisho ayaa Guddiga qaban qaabada banaanbaxa iyo odayaasha dhaqanka waxa ay ugu dambeyntii ugaga dhawaaqeen in la baajiyey banaanbixii maalinta berri ah.

Hase yeeshee labada dhinac ayaa ku ballamay in maalinta Axadda ah dib u kulmaan si ay ugaga wadahadlaan xilliga la qabanayo banaanbaxa.
Wasiirka Amniga Cabdulaahi Maxamed Nuur ayaa fasaxay banaanbaxa halka maamulka gobolka Banaadir uu ka soo horjeestey.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More