Banaanbax looga soo horjeedo AMISOM oo ka dhacay Muqdisho

Mudaharaad looga soo horjeedo ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM ayaa ka dhacay fagaaraha Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho.

Banaanbaxan oo ay dhigeen qaar ka mid ah ehelada dad shacab ah oo lagu eedeeyay in ciidmada AMISOM ay ku dileen deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeella Hoose.

AMISOM ayaa diiday qirashada dilka dadkan shacabka ahaa, hase ahaatee waxay sheegtay inay baaritaan ku sameyneyso dhacdan, iyadoo markii hore sheegtay inay dileen xubno argagixiso ah, hase yeeshee guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Cabdulqaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa saxaafada u xaqiijiyay in dadka lag diley ay ahaayeen dad rayid ah.
Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni oo ka ka hadlay dilka dadka rayidka ah ayaa sheegay in askarta dilka ka dambeysay sharciga la horkeeni doono, ayna magdhow siinayaan ehelada dadkii la dilay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More