Banaanbax loogaga soo horjeedo Dowlada oo ka bilowday Muqdisho

Banaanbax loogaga soo horjeedo muddo kororsiga dowlada ayaa goor dhow ka bilowday isgoyska Fagax ee magaalada Muqdisho.

Dadka banaanbaxa dhigayay ayaa taayaro ku gubay bartamaha Isgoyska, iyaga oo ku dhawaaqayay Erayo ay kamid yihiin, Muddo ororsi doonimeyo Farmajo doonimeyo iyo kaligii talis doonimeyno.

Ciidamo milateri ah kuna hubeysan gaadiidka dagaalka oo ka soo baxay furimaha dagaalka Shabeellaha Dhexe ayaa ku sugan Isgoyska kuwaasoo la sheegay inay sugayaan ammaanka dadka banaanbaxaya.

Waxaa istaagay dhaqdhaqaaqa gaadiidka ee isticmaala Isgoyska Fagax oo halbowle u ah isku xirka Ex Koontarool Balcad iyo Sanca.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More