Bandow habeenkii ah oo lagu soo rogay magaalada Beledweyn

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa bandow habeenkii ah ku soo rogay magaalada Beledweyn, iyadoo arintan ay qeyb ka tahau talaabooyin looga hortagayo amni darada magaalada.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo warbaahintala hadlay ayaa sheegay in magaalada Baladweyne ay tahay Bandow Habeenkii, laamaha amaanka Magaalada ayuu ugu baaqay in ay xoojiyaan Sugitaanka amaanka magaalada Baladweyne.

Mr. Jayte ayaa dhinaca kale faah faahin ka bixiyay dagaal udhaxeeyo ciidamada dowlada Soomaaliye gaar ahaan guutada 5aad iyo Ciidamo uu sheegay in ay hogaaminayaan Generaal Abuukar Xaaji warsame Xuud, iyo Nuur dheere.

Waxa uu tilmaamay in weerar lagu qaaday Ciidamo ka baxay Magaalada Baladweyne sida uu hadalka udhigay, weerarkaasi waxaa ka dhashay dhawaca qaar kamid ah ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya.

Waxa uu ku faanay iney soo afjarayaan Ciidamada kasoo horjeedo Maamulka Hirshabeelle oo ay hogaaminayaan Generaal Abuukar Xaaji warsame (Xuud) iyo Nuure dheere.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More