Bangiga SALAAM AFRICAN oo si rasmi ah ula wareegay Bangiga TOP FINANCE BANK

August 08 (Jowhar.com)War-saxaafadeed rasmi ah oo maanta oo ay taariikhdu tahay 8 August, 2022 ka soo baxay Bangiga dhexe ee Uganda (Bank of Uganda), ayaa lagu shaaciyay in Bangiga SALAAM AFRICAN SAB uu si rasmi ah ula wareegay lahaanshaha TOP FINANCE BANK Limited oo laga furay dalka Uganda sanadkii 2012.

“Waxaan halkan bulshada ku wargelinaynaa in SALAAM AFRICAN BANK(SAB) oo xarintiisu tahay dalka Djibouti uu si rasmi ah ula wareegay bangigii TOP FINANCE BANK, kala wareeggan wuxuu ku suurogalay iyadoo la raacayo ogolaanshaha BANK OF UGANDA laguma saleeyey SHARCIGA HAY’ADAHA MAALIYADDA (Financial Institutions Act – FIA) 2004 iyo wixii shuruuc ah ee uu jideeyey”ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.

SALAAM AFRICAN BANK oo xaruntiisu tahay dalka Djibouti si rasmi ahna albaabada loogu furay sanadkii 2008, waa bangiga ugu weyn uguna maalgelinta badan dalkaas, sida ay sheegeen hay’ado kala duwan.

Ku dhawaad shan iyo tobanka sano ee uu furnaa SAB waxuu door laxaad leh ku yeeshay dhaqaalaha iyo horumarka Djibouti isagoo sidoo kale cagaha dhigtay isuna ballaadhiyey wadamada Kenya, Ethiopia, Uganda Iyo waliba Malaysia oo dhawaan uu ka hirgeliyey WAAFI BANK.

SAB oo sida ku cad waraaxaafadeedka Ka soo baxay Bank of Uganda (BoU) haatan si rasmi ah ula wareegay Top Finance Bank Limited, wuxuu noqonayaa bangigii u horreeyey ee Islaami ah ee laga hirgeliyo dalka Uganda, kadib markii dalkaasi uu sharciyeeyey xeerarka Bangiyada Islaamiga ah “Financial institutions (Islamic Banking) regulations” 2-dii February, 2018

Caga-dhigashada SAB ee Uganda wuxuu calaamad muuqata u yahay ujeedooyinka uu bangigu leeyahay ee ah inuu qayb laxaad leh Ka qaato isku xidhka ganacsi dalalka Iyo bulshooyinka Afrikada Bari, geeska Afrika iyo Bariga Fog.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More