Bankiga adduunka oo ku kabaya $75 milyan miisaaniyadda dowladda Soomaaliya

July. 31 (Jowhar.com)-Guddiga Sare ee Maamulka Baanka Adduunka ayaa ansixiyay deeq lacageed oo dhan $75 milyan oo loogu talagalay kab ka miisaanidda Dowladda, deeqdaas oo gaar ahaan ka timid barnaamijka horumarinta Siyaasadda Dhaqaalaha (DPO).

Dowladda Federalka Soomaaliya waxa ay si buuxda u soo dhaweyneysay, kana mahadcelinaysaa taageerada Miisaaniyadeed ee Bangiga Adduunka uu ugu deeqay Dowladda Soomaaliya.

Taageeradaan Maaliyadeed waxa ay imaaneysaa xiligii ugu habooneyd ee dowladdu ay guul ka gaartay dib-u-habeynta dhaqaalaha, waxa ayna sahlaysaa in si habsami leh ay u siiscodaan dadaalada aan aan ugu jirno kobcinta dhaqaalaha loo dhan yahay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More