Nov 09(Jowhar)-Kulan ay yeesheen xubno ka socday Dowladda, Madasha Mucaarad iyo Guddiga Dhex-dhexaadinta ayaa lagu heshiiyay qodobadan soo socda:
1. In dib loo dhigo bannaanbaxii, isla markaana la magacaabo gudi ka kooban afar xubnood oo si wadajir ah uga shaqeeya habsami u qabsoomidda iyo goobta lagu qabanayo.
2. In aan magaalada lagu dhex wadan karin hubka waaweyn, halka gaadiidka (Cabdi-Bileyaasha) ay wataan xubnaha mucaaradka la diiwaangelin doono.
Dowladda waxaa kulanka ku matalayay Taliyeyaasha Booliska iyo NISA, halka Madasha ay ka socdeen C/raxmaan C/shakuur iyo Xasan Cali Khayre. Guddiga dhex-dhexaadinta waxaa ka socday Xildhibaanada Ugaas Dhagay, Senator Dhagdheer, iyo Xildhibaan Saabir Shuuriye.