Baraf lagu arkay saxaraha Boqortooyada Sacuudi Carabiya (Sawiro)

Dadka intiisa badan, ka fikirida saxaraha Sacuudi Carabiya waxay u badan tahay inay maskaxdoodu ku soo dhacdo meel carro iyo habaas miiran isla markaana biyo laga heli karin qoraxduna ay aad u kulushahay.

Hase yeeshee dhawaan, saxaro ku yaal Boqortooyada Sacuudi carbiya ayaa waxaa qariyay baraf.
Roob baraf iyo dabaylo wata oo dhawaan gobolka ka da’ay ayaa isbedel ku sameeyay muuqaallada gudaha iyo nawaaxigeeda Sucuudiga, taas oo xamaasad ka dhex abuurtay dadka deegaanka, dareenna ku abuuray baraha bulshada.

Horaantii bishaan, sawir qaade Sacuudiyaan ah oo lagu magacaabo Osama Al-Habri ayaa sawiro hawada sare ka qaaday gobolka Badar, oo koonfur-galbeed kaga beegan magaalada Xajka ee Madiina, iyadoo dhulkaas uu noqday mid uu caddaan ah oo uu baraf qariyay,dadka deegaanka ayaa isugu soo baxay si ay ugu raaxaystaan ​​muuqaal aan caadi ahayn.

Al-Harbi ayaa sheegay in cimilo-jiilaalka oo sidan oo kale ah ee deegaanka saxaraha Badar ay tahay arrin naadir ah oo aan sanado badan dhicin. Waxa uu ku tilmaamay “Duufaan taariikhi ah.”

Sawir-qaade Sucuudiyaan ah, oo muuqaallada duubay 11-kii Jannaayo, ayaa sheegay in goobta ay camireen dad soo booqday, qaar badan oo u safray halkaas si ay u eegaan muuqaalka barafoobay.
Xiliga uu Al-Harbi booqanayay xarunta saadaasha hawada ee sacuudiga ee sacuudiga ayaa saadaalisay in gobolka madiina uu ka da’ayo roobab dhexdhexaad ah iyo kuwo culus oo ay la socdaan dabaylo, muuqaal hoose iyo roobdhagaxyaale, sida ay sheegtay wakaalada wararka ee sacuudiga.

Xaaladaha dabaylaha ayaa mar kale la soo kulmay toddobaadkan, markii barafku ka da’ay waqooyi-galbeed ee Sacuudi Carabiya, oo daboolay magaalada Tabuuk, oo u dhow xudduudda Urdun, iyo buuraha u dhow.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More