Barakacayaasha kunool Muqdisho oo dib u dajin loogu sameynayo degmada Hiliwaa.

June 19 (Jowhar.com)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxda hey’adda I.O.M ee Soomaaliya, kulankaas oo uu goob joog ka ahaa xog’hayaha guud ee maamulka gobolka Banaadir iyo Xaririiyaha Arrimaha Baniaadanimada ee Xafiska Xalka Waara ee G/Banaadir.

Ujeedka kulankan ayaa ahaa sidii loo dardargalin lahaa dhismaha dhul baaxad leh oo ku yaala degmada Hiliwaa kaas oo ay Dowlada Hoose ee Mogadishu bixisay dhul ay ugu talagashay in lagu deegaameeyo ama Dib-udajin loogu sameeyo dadka Barakacyaasha ah ee kunool Caasimadda.

Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Filish ayaa tilmaamay in dhismaha dhulkaas u qeyb ka qaadan doono daryeelka dadka Barakacayaasha ah, Bilicda Caasimadda iyo Nabadgalyada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More