Baydhabo oo maanta ka bilaabaneyso diiwaan gelinta musharixiinta kuraas beri la dooranayo

Mar 8 (Jowhar.com)- Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa maanta ka socota diiwaan gelinta musharixiinta 6 kursi oo kamid ah xildhibaanada golaha shacabka ee deegaan doorashadooda tahay Koofur Galbeed.

Lixdan kursi waxaa sida qorshaha yahay doorashadooda la qabanayaa maalinimada beri oo Arbaca ah, iyadoo guddiga doorashooyinka sheegeen in wax kasta ay diyar u yihiin si codeynta u qabsoonto,iyadoo kuraastan ay kala yihiin;

 

1: Hop#261 oo uu ku fadhiyo Cabduqaadir Shariif Xasan Sheekh Aadan oo uu dhalay Shariif Xasan Sheekh Aadan guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana kursigaan doonaya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo dhawaan loo diiday in uu tago magaalada Baydhabo.

 

2: Hop#167 oo uu hadda ku fadhiyo Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen.

3: Hop#168 oo uu ku fadhiyo Xasan Macalin Xuseen.

4: Hop#099 oo ay ku fadhiso Deeqo Xuseen Xasan.

5: Hop#077 oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyo Isgowe Deerow Isaaq.

6: Hop#186 oo uu ku fadhiyo Maxamed Xuseen Isaaq (Afaraale).

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More