Beesha Caalamka oo Deni fartay inuu ka qeyb galo shirka golaha wadatashiga qaran

Mar. 20 (Jowhar.com)-Sida lagu qoray barta Twitterka Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Deeqbixiyayaasha Caalamiga ah oo maanta la kulmay Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ay u caddeeyeen inay muhiim tahay in Puntand ay xaadirto shirarka Golaha Wada-tashiga Qaran.

Arrintaasi ayey sheegeen in looga gol leeyahay si Puntland ay halkaas ugu gudbiso aragtiyadeeda ay uga qeybqaadanayso dadaallada mirodhalka ah ee loogu jiro dawlad-dhiska Soomaaliya.

Warkan ayaa yimid kaddib markii Madaxweyne Deni, oo tabasho uu qabay darteed uga baaqday Shirkii Golaha Wada-tashiga Qaran ee todobaadkii hore Baydhabo ka dhacay, uu safar ugu baxay Nairobi, halkaas oo la sheegay inuu beesha Caalamka ugu gudbinayay mowqifkiisa ka maqnaanshaha shirkaas.

Deni ayaa la filayaa inuu dhawaan ku qaabilo Garoowe madaxda maamulada Galmudug,Hirshabelle iyo Koofur Galbeed, kuwaasoo Deni ka dhageysan doona tabashooyinkiisa, isagoo xaadiri doona shirka soo socda ee golaha wadatashiga qaran oo la qabanayo bisha May.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More