Beledweyne oo lagu qabanayo doorashada 7kursi maalin kadib xilliga dhamaystirka Doorashada

Guddiga Maamulka doorashada Hirshabelle SEIT ayaa shaaciyay jadwalka doorashada 7 kursi oo ka mid ah kuraasta deegaan doorashadoodu tahay magaalada BELEDWEYNE ee Dowlada Hirshabelle.

Waxa ay guddiga doorashada Hirshabelle ay sheegeen in doorashada Kuraastan ay dhici doonto 26ka febraayo 2022 oo ku beegan maalin kadib xilligii lagu heshiiyay in lagu soo gabagabeeyo doorashada Golaha Shacabka.

Kuraastan ayaa waxa ay tirsiyadooda iyo xildhibaanadii afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyayba ay kala yihiin;

HOP #003 Maxamuud Sh.C/man Faarax
HOP #006 Maxamed Cabdulahi Maxamed
HOP #022 Cusmaan Maxamed Cabdi
HOP #031 Yusuf Xuseen Axmed
HOP #032 Khaliif Cabdi Cumar
HOP #068 Fadumo Faarax Ibraahim
HOP #252 Cabdicasiis Saalax Carmaan

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More