Beyle oo beeniyay inuu diiday go’aanka ay gaareen Golaha Wasiirada

Wasiirka Maaliyadda Xukuumada Somalia C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa beeniyey warar sheegayay inuu ahaa wasiirka kaliya ee ka horyimid go’aanka ay sida wadajirka ah u gaareen golaha wasiirada ee liiska argagaxisada looga saaray Jabhada ONLF iyo Cabdikariin Qalbi-dhagax.

Muuqaal kooban oo uu soo dhigey bartiisa ayuu C/raxmaan Ducaale Bayle wasiirka maalkyada ku sheegay inuu yahay warka lagu faafiyay baraha bulshada mid laga been abuuray.

“Fadhiga Golaha Wasiirada waxa uu leeyahay ajendayaal laga doodo oo la soo diyaariyo, qodobkana kuma jirin ajendaha maanta, markii la guda galay shirka ayaa la keenay, waxaana soo jeediyey fikrad ah in arrinta muhiimada ay laheyd loo yeelo oo ajendaha lagu soo daro si maqaamka iyo sharafta ay leedahay loo gaarsiiyo, arrintaas ayaa si qaldan loo fasiray suuragal maaha in walaalahay ONLF aan dembi ka galo” ayuu yiri wasiir Beyle.

Go’aanka ay shalay gaareen golaha wasiirada ayaa waxaa soo dhaweeyay siyaasiyiinta Soomaaliyeed iyo guud ahaan dadweynaha Soomaaliyeed.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More