Biden;”Maraykanka waxa uu cunaqabatayn karaa Putin haddii Ruushku soo galo”

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay inuu ka fiirsan doono cunaqabateynta shaqsiga ah ee lagu soo rogo Vladimir Putin haddii Ruushka uu soo weeraro Ukraine.

Mr Biden waxa uu sheegay in cawaaqib xumo ay ka dhalan doonto aduunka hadii Ruushku uu talaabo ka qaado qarankan ku yaala xuduudka koonfur-galbeed.

Hadalkiisa ayaa yimid iyadoo madaxda kale ee reer galbeedka ay ku celceliyeen digniino ah in Ruushku uu qarash badan ugaga bixin doono duulaanka.

Ruushka ayaa ku eedeeyay Mareykanka iyo kuwa kale inay ka badbadinayaan xiisadda arrintan, waxayna beeniyeen inay qorsheynayaan inay galaan Ukraine.
Si kastaba ha ahaatee, Moscow ayaa ciidamo ka dhistay xadka, iyadoo ilaa 100,000 oo askari oo Ruush ah la geeyay gobolka.

Isagoo su’aalo uga jawaabaya saxafiyiinta, Mr Biden ayaa ku jawaabay haa markii la weydiiyay inuu cunaqabateyn saarayo madaxweynaha Ruushka shaqsi ahaan dhacdada duulaanka.

Waxa uu sheegay in tallaabadan oo kale ee laga soo tallaabiyo xadka Ukraine ay la macno tahay “cawaaqib xun oo adduunka oo dhan ah” oo uu noqon karo “duullaakii ugu weynaa tan iyo dagaalkii labaad ee aduunka”.

Mr Biden ayaa intaa ku daray in uu dareemi doono waajib ku ah in uu kor u qaado joogitaanka Nato ee bariga Yurub.

Balse waxa uu ku celceliyay in aanu jirin wax qorshe ah oo ciidamo Maraykan ah loogu dirayo dalka Ukraine lafteeda.

Dhanka kale maamulka Mr Biden ayaa sheegay in ay la shaqeynayaan shirkadaha shidaalka iyo gaaska ee adduunka si kor loogu qaado shixnadaha u socda Yurub haddii ay dhacdo in Ruushku gooyo saadka, sida ay daabacday jariirada New York Times.

Ruushku hadda waxa uu bixiyaa saddex-meelood meel saliidda cayriin iyo gaasta ay keenaan Midowga Yurub.

Cabsida duulaanka ah ayaa keentay in safaaradaha reer galbeedka ee Kyiv ay la baxaan qaar ka mid ah shaqaalaha.

Laakin madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa isku dayay in uu ku qanciyo qarankiisa khudbad uu ka jeediyay TV talaadadii.

“Ma jiraan muraayado midab leh, ma jiraan dhalanteed caruureed, wax walba ma fududa… Laakin rajo ayaa jirta,” ayuu yiri. “Jirkaaga ka ilaali fayraska, maskaxdaada ka ilaali beenta, wadnahaaga ka ilaali argagax.”

Waxa uu sheegay in uu ka shaqeynayo sidii uu kulan ula yeelan lahaa madaxda Faransiiska, Jarmalka iyo Ruushka.

Ruushka ayaa horey u qabsaday dhulka Ukraine, markii uu qabsaday Crimea sanadkii 2014. Ka dib markii ciidamada Ruushka ay la wareegeen gacan ku haynta, Crimea waxay u codeysay inay Ruushka ku biirto aftida reer galbeedka iyo Ukraine ay sharci darro u arkeen.

Fallaagada uu Ruushka taageero ayaa sidoo kale maamula degaannada bariga Ukraine ee u dhow xudduudaha Ruushka. Colaaddaasi waxaa ku dhintay dad lagu qiyaasay 14,000 oo qof.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More