Bilaal Bulshaawi oo caawa lagu toogtay magaalada Muqdisho.

Sept. 02 (Jowhar.com)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goordhow nawaaxiga Isgoyska Banaadir lagu toogtay wiil dhalinyara ah oo caan ka ah baraha Bulshada kaasoo lagu magacaabo Bilaal Bulshaawi.

Sida wararku sheegayaan, Bulshaawi oo caan ka ah Tiktok ayaa lagu weeraray isagoo fadhiya maqaayada lagu magacaabo Casri Coffee, waxaana la sheegau in lala dhaawacay wiil dhalinyara ah o la fadhiay.

Rasaasta ayaa la sheegay iney ka haleeshay madaxa, iyadoo haatan lagu dabiibayo xaaladiisa caafimaad Isbitaalka Digfeer ee ku yaala meel aan ka fogeyn hallka lagu weeraray.

Lama oga cida ka danbeysay weerarkan, waxaana goobta gaaray ciidamada amaanka oo wada howlgalo baaritaano ah.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More