Booliska Banadir oo sheegay iney soo qabteen dadkii ka danbeeyay qarax ka dhacay Deyniile.

June 02 (Jowhar.com)-Ciidamo ka tirsan booliska gobolka Banaadir ayaa xalay howlgal balaaran ka sameeyay xaafado kamid ah degmada Deyniile, si gaar ah Waaxda kurdamac oo shalay uu ka dhacay qarax sababay dhimasho iyo dhaawac.

Saraakiisha howlgalkan hoggaamineysay ayaa sheegay in ujeedkooda ahaa sidii looga hortagi lahaa dadka geysta falalka Amni darro, Kooxaha Burcadda ah, Ciyaal weerada iyo kuwa isticmaala waxyaabaha maanka dooriya.

Taliyaha Saldhiga qeybta Galbeed ee Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir Yaasiin Nuur Kheyre (Ganeey) iyo Guddoomiyaha Cusub ee Maamulka degmada Deeyniile Cabdishakuur Abuukar Macalin oo loo yaqaano Rooble ayaa warbaahinta u sheegay iney gacanta ku soo dhigeen dadkii ka danbeeyay qarax shalay ka dhacay nawaaxiga Aargada Deyniile oo lagu dilay sarkaal milatari ahaa iyo ilaaladiisa, sarkaalka la dilay ayaa gobolka Banaadir u qaabilsanaa canshuurta xoolaha ee kontrolka Siinka Dheer.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay iney laamaha amaanka u gudbiyeen dadka qaraxa loo heysto waxaana lagu sameyn doonaa baaritaano dheeraad ah, iyadoo sharciga la horgeyn doono kuwa ay sida tooska ah ugu cadaato ku lug lahaanshaha qaraxa miino ee dhimashada iyo dhaawaca sababay

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More