Booliska Beledweyne oo toogasho ku diley labo nin oo ka dambeysay dilka Sarkaal Biriq

Mar 4 (Jowhar.com)-Wararka ka imanaya magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in koox hubeysan ay caawa ku dishay sarkaal ka tirsanaa ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jirey Labo Xiddigle Axmed Xasan Biriq.

Waxa ay wararku sheegayaan in ciidamada Booliska Saldhigga Galbeed ee magaalada Beledweyne ay toogasho ku dileen labo nin oo la sheegay inay ka dambeeyeen dilka sarkaalka.

Dilalka loo geysto ciidamada iyo nabadoonada ayaa waxaa ay hore uga dhiceen magaalada Beledweyne hase yeeshee waxaan la ogaan jirin dadka ka dambeeya dilalkaas.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More