Booliska Britain oo shaacisay magaca ninka Soomaaliga oo loo haysto dilka Xildhibaan British ah

Wararka ka imanaua dalka Britain ayaa sheegaya in lag dhawaaqay Booliiska dalka Britain ay ku dhawaaqeen magaca ninka asalkiisu yahay oo haysta dhalashada British ee dilay xildhiba David Amessan oo ka tirsanaa baarlamaanka Britain.

Ninka loo haysto dilka xildhibaanka ayaa magaciisa lagu sheegay Cali Xarbi Cali,oo aan hore loogu tuhunsanayn in uu kamid yahay dadka ay hay’adaha sirdoonka Ingiriiska ku tuhunsanayeen argagaxiso.

Cali Xarbi Cali-oo 25 jir ah oo haysta dhalashada Ingiriiska , balse asal ahaan Soomaali ah ayaa lagu xiray goobtii lagu tooriyeeyay xildhibaanka.

Booliiska Britain ayaa ku tilmaamay falka dilka xildhibaanka inuu yahay mid argagaxiso.
Wararka ayaa sheegaya in ninkan loo haysto dilka Xildhibaanka la soo taagi doono maxkamad maalinta talaadada iyadoo sidoo kalana haatan su’aalo la weydiinayo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More