Booliska gobolka Banaadir oo sheegay iney dileen xubin Shabaab ah oo weerar qorsheynayay.

July 24 (Jowhar.com)-Ciidamo ka tirsan booliska gobolka Banaadir oo xalay howlgallo ka waday qeybo kamid ah degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir ayaa la kulmay dagaalamayaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab, waxaana dhexmaray iska-horimaad mudo kooban socday.

Sida wararka la helayo ay tilmaamayaan, weerarka oo si gaar ah uga dhacacay agagaarka Baar Jowhar ee Xaafada Suuqa Xoolaha ayaa sababay dhimshada mid kamida kooxda Shabaab oo xiligaasi isu diyaarineysay iney weerar gaadmo ah ku qaadaan ciidamadda amniga.

” Abaaro 8:00 fiidnimo Ciidanka Boliiska oo roondo ku maraya xaafadaha degmada Heliwaa ayaa toogasho ku dilay mid kamid ah dhagarqabayaasha Al-Shabaab, kadib markii ay si kadis ah ula kulmeen maleeshiyaad hubaysan oo gaadmo ku hayay ciidanka roondada” ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay Booliska.

Booliska ma sheegin hadii uu dhankooda jiro wax khasaare ah oo weerarkan ka soo gaaray, iyadoo degmada Hiliwaa ay kamid tahay degmooyinka ugu amniga xun caasimadda, waxaana dharaar cad lagu arkaa dagaal yahanada kooxda Al-Shabaab.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More