Booliska Itoobiya iyo xubno ka tirsan jabhadda Fano oo ku dagaalamaya Adis Ababa

Apr 13 (Jowhar.com)-Booliiska magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa sheegay in saddex qof lagu dilay kadib markii ay israsaaseyn dhexmartay xubno ka tirsan kooxda Fano ee hubaysan.

Mid ka mid ah dadka la dilay ayaa ahaa qof rayid ah, halka labada kalena ay ka tirsanaayeen kooxdaasi, sida lagu sheegay war ka soo baxay Booliska.

Laba askari oo booliis ah ayaa ku dhaawacmay. Dhacdadan ayaa subaxnimadii Jimcaha ka dhacday xaafad ay dagaan qoysaska ladan oo ku dhow garoonka diyaaradaha ee magaalada.

Kooxda Fano ayaa inta badan ka hawlgasha gobolka Axmaarada oo dagaal kula jira ciidamada tan iyo bishii August ee sanadkii hore.

Waa dhacdadii ugu horeysay ee rabshado laga soo sheego Addis Ababa oo la xiriirta jabhada Fano.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More