Booliska Muqdisho oo gacanta ku dhigay saddex Shabaab ah oo watay Qori RBG ah

Feb. 26 (Jowhar.com)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in howlgal culus oo laamaha amaanka xalay ay ka sameeyeen degmada Deyniile ay kusoo qabteen xubno la sheegay iney ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab.

War ka soo baxay taliska qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in xubnaha Shabaabka ah ee la soo qabtay oo saddex ahaa ay ku howlanaayeen falal amni daro xiliga gacanta lagu soo dhigayay ayna wateen qoriga RBG .

“Ciidanka Booliska Saldhigga Degmada Deyniile ee Taliska Qeybta ee Gobalka Banaadir oo Ku jira Howgal Habeenimo ayaa gacanta ku dhigay Koox seddex oo kamid Khawaarijta Al-Shabaab kuwaas oo ku howlwanaa falal amni darro oo ay u maleegayeen Dadka Shacabka ah” ayaa lagu yiri warka booliska.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in xubnahan lala soo qabtay Qori RBG ah oo ay wateen iyo Mooto Bajaaj, iyagoo haatan ku xiran mid kamida saldhigyada magaalada.

“Ciidanka ayaana soo qabtay iyaga iyo moota bajaaj ay wateen, sidoo kale dhagar qabayaashaan ayaa watay Qori RBG ah, waxeeyna haatan ku jiraan gacanta Ciidanka Ammiga” ayaa lagu sii daray warka booliska.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More