Booliska Muqdisho oo soo bandhigey nin diley hooyadii iyo abtigiis

June 24(Jowhar.com)-Ciidamada Booliska gobolka Banaadir ayaa gacanta ku soo dhigey nin dhalinyaro ah oo la sheegay in uu diley hooyadii iyo abtigiis.Ninkan oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Xasan Cali Dhiblaawe.

Ayaa ku diley degmada Deynile ee magaalada Muqdisho hooyadii oo la oran jirey Muraayo Muxumud Siyaad oo 55 sano jir ahayd iyo abtigiis Yuusuf Muxumud Siyaad oo ahaa 85 sano jir.

Ninkan ayaa wuxuu dilka u adeegsadey toorey oo sitoos ah ugu weerarey labada marxuum.

“Waxaana la baarayaa xaaladiisa caafimaad ee dhimirka si looga sal gaaro sababta ku kaliftay in uu dilo waalidkiis” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Booliska gobolka Banaadir.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in ninkan uu miyirka la’yahay sidoo kalana uu dhagaha la’ yahay. Falkan ayaa caawa ka dhacay xaafada Warlaliska oo ka tirsan degmada dayniile ee gobolka Banaadir.

Sanadihii la soo dhaafay ayaa waxaa dalka Soomaaliya ku soo kordhayay dadka dilaya waalidkood taas oo ahayd mid aad u naadir ah.
10kii Marso ee sanadkan ayaa meel fagaare ah lagu toogtay magaalada Kismaayo Xasan Cabdulaahi Cabdi oo si bareer ah hooyadii u diley.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More