Booliska Muqdisho oo war kasoo saaray qabashada Jen.Sheegow iyo khasaaraha ka dhashay

Aug. 19 (Jowhar.com)-Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliya, Sadiiq Aadan Doodishe oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa shaaca ka qaaday in dagaalka uu bilowday, kadib markii ay isku dhaceen ciidamada xasilinta oo howlgal ku jiray iyo kuwa janeraalka oo uu ku tilmaamay maleeshiyaad.

iskudhacii xalay ka dhacay xaafadda Kaawo Godey ee dgemada Dharkenley ku dhex-maray Janeraal Sheegow iyo ciidamada ammaanka Soomaaliya, kaas oo dhaliyay khasaare kala duwan.

3 askari ayaa ku dhintay dagaalkan oo laba kamid ah ay ahaayeen ciidanka Sheegow, halka midka kale uu ahaa Boolis, waxaana sidoo kale ciidanka amniga ka dhaawacmay 4 kale, mana jiro khasaare soo gaaray rayidka, sida uu xaqiijiyay afhayeenka booliska

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More