Booliska oo baadi goobaya Hooyo iyo Caruurteeda oo dil argagax leh ka geystay Muqdisho

Feb 10 (Jowhar.com)-Dowladda Soomaaliya ayaa bilowday baadi goobka Hooyo iyo laba Wiil ay dhashay oo ku eedeysan dilka Ibraahim Xasan Cabdi.

Marxuumka ayaa ahaa ninkii qabay ruqiyo, ilmahana adeer u ahaa oo uu soo koriyay ayna dhashay naagtiisa oo ah mida hada wax ka dishay marxuumka.

Qoraal kasoo baxay taliska ciidanka booliska ayaa lagu shaaciyay magacyada saddexdan eedegsane oo kala ah; 1. Ruqiyo Axmed Cabdulle 2. Kamaal Aweys Maxamed 3. Cabaas Salaad Shaandi oo loo heysto in ay 09 feb 2024 mindi ku dileen Marxuum Ibraahim Xasan Cabdi

Baadi goobka eedeysanayaasha ayaa ka socda Caasimada iyo Gobolada dalka oo la rumeysanyahay inay u baxsadeen.

Booliska ayaa Qofkii hela xogtooda waxay ka codsadeen inuu la wadaago barta Ciidanka Amaanka ee ugu dhow, lambarka gaaban ee 991 ama 0613222293 iyo baraha bulshada.

Booliska ayaa intaasi kusii daray in Howgalo lagu baadi goobayo xubnahan ay socdaan, iyagoo rajo ka muujiyay in dhawaan gacanta lagu soo dhigo si, ay cadaalada u maraan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More