Booliska oo ka hadlay dad loo qbtay weeraro lagu qaaday saldhigyo ku yaal magaalada Muqdisho

Sarkaal u hadlay ciidamada Booliska ayaa sheegay inay soo qabteen rag lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen weeraro lagu qaaday qaar ka mid ah saldhigyada booliska magaalada Muqdisho.

Afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliya Cabdifatax Aadan Xasan ayaa saxaafada u sheegay in la soo qabtay illaa toddobo ruux oo loo haysto inay ka dambeeyeen weeraro loo adeegsaday bambaanooyin oo lagu qaaday Saldhigyada Boliiska Wadajir, Hodan, Howl wadaag iyo Boondheere.

Waxa uu afhayeenku sheegay in raggan la soo taagi doono cadaalada ayna socoto baaritaano la xiriira dambiyada ay galeen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More