Booliska oo soo bandhigay khasaaraha weerarkii saldhigga Ceelasha biyaha

Oct 21 (Jowhar.com)-Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa war kasoo saaray khasaaraha qarixii Ismiidaaminta ahaa ee aroortii hore ee saaka ka dhacay deegaanka Ceelasha biyaha ee dukeedka magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo loo adeegsaday gaari Bullet Proof ah oo qaraxyo laga soo buuxiyay ayaa lagu bartilmaameedsaday xero ay ku sugnaayeen ciidanka boolis milataaro ee loo xilsaaray xasilinta Muqdisho iyo hareereheeda.

Sida qoraakka booliska lagu sheegay, qaraxa waxaa ku dhintay lix ruux oo afar askar ay ahaayeen halka labada kalena ay shacab ahaayeen.

“Qasaaraha uu qaraxaasi reebay ayaa ah dhimashada 6 qofood (4 Ciidanka ah iyo 2 shacab ah) dhaawacyada ayaa ah 9 qofood (5 Ciidanka ah iyo 4 shacab ah)” ayaa lagu yiri warka booliska.

Booliska ayaa ku faanay in weerarkan oo lala damacsanaa magaalada Muqdisho uu noqonayo isku daygii 5-aad ee laga fashiliyo kooxda Al-Shabaab.

“Gaarigaan ayaa ahaa kii 5-aad oo ay Khawaarijtu qarax ku soo rarely oo Ciidamada Amaanku ka hortagaan inuu caasimada soo galo, sida mid lagu qabtay Deegaanka Daarusalaam, mid lagu qarxiyay Degmada Dayniile, Degmada Kaxda iyi Degmada Wartanabada iyo kan saaka ClDwwgaanka Ceelasha biyaha oo ahaa kii 5-aad” ayaa lagu sii saray warka booliska.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More