Booliska oo war yaab leh kasoo saaray madaafiicda kusoo dhacday Muqdisho
Jully. 04 (Jowhar.com)-Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa war kasoo saaray khasaaraha ka dhashay madaafiic aroortii hore ee saaka lagu soo garaacay qeybo kamid ah degmada Waaberi.
Afhayeenka ciidanka booliska Sadiiq Doodishe oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in madaafiicdaasi ay ku dhinteen saddex ruux, isla mar ahaantaasina ay ku dhaawcameen saddex qof oo kale, dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayuu ku sheegay iney ahaayeen hal qoys.
“Kooxda Khawaarijta ah oo caadeysatay Dhibaataynta Shacabka Soomaaliyeed, waxay Gantaalo macmal ah oo ay soo tuureen, waxaa ay ku dhaceen guryo ay dad shacab ah daganayeen oo ku yaala Deg/Waaberi, Falkaas Argagixsadu sameysay ayaa waxaa ku dhintay Aabe iyo labadiisa caruur ah waxaana ku dhaawacmay Hooyadii Qoyska & 2 Caruur ah oo ay dhaleen” ayaa lagu yiri warka booliska.
Mr. Doodishe ayaa dhinaca kale sheegay iney soo qabteen shaqsi uu sheegay inuu ka danbeeyay falkaasi, baarisna ay haatan ku socoto
“Waxaa Ciidamada Amaanku gacanta kusoo dhigeen eedeysane la rumeysanyahay inu ku luglahaa falkaas, waxaana socota baaris arrinta la xariirta” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Si kastaba, dad badan ayaa la yaabay warka booliska ee ah in Gantaalo macmal ah ay Shabaab soo tuureen oo dad dhimahso iyo dhaawac ay ku noqdeen.