Maxaa la gudboon Soomaaliya kadib hanjabaadii Taye Atskeselassie?
Aug 30(Jowhar)–ITOOBIYA DAGAAL AYAY QORSHAYSAY, Dalkeennu wuxuu marayaa meel kalaguur ah, halis xooggan ayuu wajahayaa taasoo gelin karta dagaal furan oo cawaaqib aan la mahadin ay ka dhalan karto, haddii aan tixgelinta uu mudan yahay la siin.
Gardarrada Itoobiya mid la sahashan karo ma aha, waa dal awood milirarii oo xooggan leh, madax aan xilkas ahaynna ay u taliso.
Soomaaliya tabar ciidan oo ay ku wajahdo duullaankan ma laha, waxaa u furan inay raadsato xulafo xoog leh oo difaaceeda diyaar u ah la iskuna halleyn karo.
Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “Nin kaa xoog badan, hortaa ayuu xanaaqaa”, Itoobiya iyadoo naga gardaran ayay haddana naga sii hor xanaaqeysaa.
Khudbaddii uu Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya uu jeediyay, waa khudbad halisteeda leh, lagana akhrisan karo inay dagaal degdeg ah damacsan yihiin, dhawr arrimood oo uu tilmaamay dartood:
1. Joogitaanka Argagixisada ee Soomaaliya, wuxuu tilmaamay inay Argagixiso halis ku ah Geeska Afrika oo xoog badan Soomaaliya joogto, arrintaas oo ay sabab uga dhigan karaan duullaan ay gobollada qaar ku qaadaan, oo aan filayo inay qorsheeyeen.
2. Arrinta Masar, wuxuu tilmaamay inaysan indhaha ka laaban doonin dhaqdhaqaaqyada halista leh ee Soomaaliya ka jira. Waxaan ognahay colaadda ka dhexaysa Itoobiya iyo Masar, waxay sabab u noqon kartaa inay dagaal ka hortag ah ku qabsadaan goobaha loo qorsheeyay ciidanka Masar haddii ay ogaato.
3. Qaanuunka Caalamiga ah waxaa jira mabda’ ay dawladuhu sabab uga dhigtaan inay weeraraan dal kale, waana mabda’ la yiraahdo “dagaal ka hortag ah” (Preemptive War – الحرب الاستباقية), waana midda aan filayo inay Itoobiya qorshaysay, iyadoo marmarsiiya ka dhiganaysa Argagixisada iyo imaatinka Masar.
SOMAALIYA MAXAA LA GUDBOON?
Dagaal waa lama huraan, haddii Itoobiya aysan siyaasaddeedan gardarrada ah ka laaban.
1. Madaxda Soomaaliya waa inaysan ku khaldamin qiimaytna go’aanka Itoobiya ee ku aaddan kiiska Somaliland ee taagan. Khald kasta oo halkaas ka yimaadda, tusaale ahaan haddii madaxdu ay u maleeyaan in Itoobiya aysan dagaal dhaw soo qaadi doonin, Itoobiyana ayba qorshaysay dagaalka. Arrintaas waa halis, xilli aadan waxba qaban karin oo xeero iyo fandhaal kala dhaceen inaad meelaha fiirfiiriso waa laga fiican yahay.
2. In shacabka Soomaaliyeed loo abaabulo dagaal muddo dheer qaadan kara, waa tallaabo aan laga maarmayn.
3. In xilliga yar ee aan haysanno aan raadsano xulafo awood leh oo la isku halleyn karo, si dagaalka nagu soo fool leh ay garabkeenna u ahaadaan.
Intaas haddii aynaan si degdeg ah u qaadin, labo mid ayay noqonaysaa, in Itoobiya qabdsato badda ay hadda rabto iyo gobollo kale iyo midda labaad oo ah in Soomaaliya fowdo geliso.
Soomaalidu se waa dad dagaal kulul, haddii uusan adduunku u tabar sheegan, waana dad difaacan kara dalkooda haddii ay awood helaan.
Waxaa Qoray Avv. Abdikadir Mohamed Sheilila