C/casiis Lafta Gareen “Arrinta Cabdi Xaashi caqabad in laga dhigo uma arko”

Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) oo ka hadlayay doorashada ayaa sheegay in waxyaabaha cabashada ee jira ay tahay in la xaliyo oo xalkeeda uu qeyb ka noqon doono, balse aan loo baahneyn in dib loogu noqdo heshiiskii doorashada, sida uu u qornaa loo fuliyo oo horay loo socdo

Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa sheegay in aanu isaga u arkin in caqabad laga dhigo arrinta Cabdi Xaashi ee ahaa inuu looga dambeeyay guddiga doorashada Somaliland, isagoo caddeeyay in heshiiskii doorashada uu dhigayay in Raiisul Wasaaraha soo magacaabo xubnaha guddiga ka soo jeeda Somaliland.

“Aniga in caqabad in laga dhigo uma arko arrinta Cabdi Xaashi, arrimaha somaliland marka la yiraahdo anaga waa joognay heshiiska waana qoran yahay waana la hayaa hal maalin meel looga hadlay ma jirin cabdi xaashi baa looga dambeynayaa guddiga somaliland wey cadahay heshiiska ku qoran tahay raysal wasaaraha soo magacaabayo waxaa fadhiya shirka oo qeyb ka ahaa raysal wasaare kuxigeenka Mahdi Guuleed oo somaliland ka soo jeeda, cabdi xaashi waa oday soomaaliyeed waaye, guddoomiyaha aqalka sare waaye siyaasiyiinta soomaaliyeed ka mid yahay ninkii wax la rabay in asiga in loo dhiibo aheyd marka meesha la joogo in heshiiska lagu daro oo la qoro aheyd nasiib wanaag laguma qorin, haddana in la soo xusuusto inoo  caqabad laga dhigo uma arko in horay loo socdo qabaa”ayuu yiri C/casiis Lafta Gareen.

C/casiis Lafta Gareen oo ka hadlayay arrinta Gedo iyo cabashada Jubbaland ayaa sheegay in horay looga heshiiyay in dib u heshiisiin la sameeyo oo dowladda iyo Maamulka Jubbaland ka qeyb qaataan, balse aan shuruud lagu xirin, isla markaana doorashada iyo dib u heshiisiinta ay socdaan,

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in iyadoo la dhowrayo nidaamka dowladnimada wixii cabasho ee jira laga wado hadli karo, balse aan loo baahneyn in heshiiska in aan lagu noqon

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More