C/raxmaan C/shakuur oo kulan gaar ah la qaatay safiirka Qatar ee Muqdisho

May 29 (Jowhar.com)-Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa kulan la yeeshay Safiirka dowladda Qatar ee Muqdisho, Amb. Hassan bin Hamza Hashem.

Ergeyga iyo Safiirka, ayaa ka wada hadlay, sida guud ahaan dowladdaha Khaliijka, gaar ahaan dowladda Qatar ay gacan uga geysan karaan Gurmadka Abaaraaha daran ee ka jira dalka.

Danjire Hassan bin Hamza, waxuu muujiyay sida ay dowladdiisa ugu go’an tahay, garab istaagga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, isaga oo intaas kaddib Ergeyga u ballan qaaday wada shaqeyn buuxda, si loo samatabixiyo malaayiinta qof ee abaaruhu saameeyeen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More