C/raxmaan C/shakuuur oo gaaray degmada Doolow ee gobolka Gedo.

June 20 (Jowhar.com)-Cabdiraxmaan Cabdishakuur warsame oo ah ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u Qaabilsan Arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha ayaa goordhow gaaray Degmada Doolow ee Gobalka Gedo, waxaana socdaalkan ku wehlinaya xubno ka tirsan Qaramada Midoobe.

Waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan gobolka iyo kuwa degmada, iyadoo intaasi kadibna loo sii qaaday goobaha ay ku nool yiniin dadka ay abaarta saameysay, si uu xog badan uga soo uruuriyo xaalada dhabta ah oo ay ku sugan yihiin.

Doolow waxaa saldhigtay Qoysas intooda badan ka barakacay Degmooyin katirsan Gobollada Baay & Bakool ee DG Koofur Galbeed iyo Degmooyinka qaar ee isla Gobolka Gedo si ay caawinaad ugu helaan.

Amniga guud ee Doolow ayaa maanta si aad ah loo adkeeyay, waxaana sugida amaanka qeyb ka ah ciidankii NISA ee Farmaajo iyo Fahad hore ugu daabuleen gobolkaasi, iyadoo wafdigan isla maantaba la filayo iney dib ugu soo laabtaan Muqdisho, iyagoo ka warbixin doono baaxada abaarta iyo gurmadka deg dega ah ee loo baahan yahay.

Mr. Warsame oo maalmahan ku sugnaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa halkaasi kulamo kula soo qaatay safiirada caalamka ee dalka, madaxda hay’adaha hoostaga Qaramada Midoobe iyo madaxda Bankiga Adduunka, isagoo dhinacyadaas kala hadlay sidii ay deg deg uga jawaabi lahaayeen saameynta abaarta ku dhufatay dalka ee galaafatay nolosha dad iyo duunyo ku noolaa goobaha ay ugu daran tahay oo kamida Jubaland iyo Koofur Galbeed.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More