C/shakuur Mire “Fahad Yaasiin Siyaasad ma soo farageliyo, shaqana kuma lahan”

Xildhibaan C/shakuur Cali Mire oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeymo loo soo jeediyay Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin oo ahaa in xubno ka tirsan NISA
uu ku soo daray Guddiyada doorashada, waxaana uu tilmaamay arrintaas ay tahay waxba kama jiraan.

C/shakuur Mire oo ku heyb ah Madaxweyne Farmaajo, kana mid ah dadka si weyn u difaaca ayaa ku eedeeyay Mucaaradka inay wadaan qalqal siyaasadeed.

Xildhibaan C/shakuur ayaa sheegay in Fahad Yaasiin aanu siyaasad soo faragelin.

“Afar sano ayaa maqleynay Fahad ayaa sameeyay Fahad ayaa qortay, Fahad ayaa yiri, waa hadal siyaasadeed oo ujeedada siyaasadeed laga leeyahay, Fahad siyaasad ma soo farageliyo, shaqana kuma lahan, marka qof rabo in dalkaan qalalaase la geliyo Fahad ayuu la aadaa Fahad ma ahan wax kasta”ayuu yiri C/shakuur Cali Mire oo la hadlayay Idaacadda VOA.

Hase ahaatee Fahad Yaasiin ayaa la rumeysan yahay in saddex sano iyo barkii la soo dhaafay uu lahaa saameynta ugu badan ee go’aan ka gaarista Siyaasadda, waxaana la aaminsan yahay marka loo eego howsha Sirdoonka ee loo egmaday uu kaga fara-dhuuban yahay xaga siyaasadda oo uu aad ugu milan yahay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More