Cabdi Faarax Juxaa;”Farmaajo oo afgamebiyay villa Somalia 21 kadib”

Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha dowlada Soomaaliya Cabdi Faarax Juxaa ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha muddo xilleedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdulaahi Farmaajo inuu dalka ka sameeyay afgambi 21sano kadib dowlad Soomaaliya u dhisneyd.

Qoraal uu soo dhigey bartiisa Facebook ayuu Juxaa waxa uu ugaga hadlay qoraal xalay ka soo baxay Madaxtooyada.

“Waxaa xalay 26/12/21 saqdii dhexe Maxamed Cabdullaahi Farmajo soo saaray wareegtadii 1-aad ee Afgembiga oo uu ku laalayo heshiiskii iyo Hannaankii Doorashooyinka Soomaaliya iyo RW Rooble labadaba, taas oo ahayd waxa keli ah oo xilligan heshiis lagu yahay.”ayuu yiri Juxaa.

“Waxaa si buuxda u istaagay Hannaankii Dastuuriga iyo Dawlad-dhiska Soomaaliya ee ka soo bilowday CARTA 2000-2017, waxaana bilowday bog cusub oo Taariikhdu MAGAC GAAR AH u bixin doonto.”

Ugu dambeyntii qoraalkiisa ayuu Cabdi Faarax Juxaa waxa uu sheegay in Dowlad goboleedyada dalka ay kala aragti duwan yihiin;

“Maanta waxaa keli ah oo jira FARMAJO oo muddo-xileedkiisu dhamaaday sannad kahor oo VILLA SOMALIA dhex fadhiya iyo Dawlad-goboleedyo badankoodu kala aragti ah, VILLA Somaliyana aysan saamayn ku lahayn.Kani waa Afgembigii 2-aad ee taariikhda siyaasadda Somalia, kii horena weli lagama soo kaban boogihii iyo haarihii ka dhashay.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More