Cabdi Xaashi oo ku tilmaamay doorashada dalka mid la boobayo

Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ku baaqay in la joojiyo doorashada isagoo isagoo ku tilmaamay doorashada mid la boobayo.

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo warbaahinta la hadlaayay ayaa ku baaqay in la joojiyo jadwalka doorashada gobolada Waqooyi ee dhawaan lasoo saaray, islamarkaana uu ku tilmaamay inay tahay mid la boobayo.

“Waxaan ugu baaqaya raysal wasaaraha in la joojiyo jadwalka doorashada ee lasoo saaray, lana joojiyo kuwa la isku haysto oo aanan la isla ogeyn, doorashadana loo qabto kuwa la isla ogyahay kaliya” ayuu yri guddoomiye Cabd Xaashi.

Sidoo kale Boqor Cismaan Aw Buurmadoow ayaa sheegay inay isaga baxeen doorashada Soomaaliya, waxana uu ku eedeeyay ra’iisul wasaare Rooble inuu faragalin ku hayo doorashada.

“Waan ka baxnay doorashada waxaan halkaan isugu nimid in aan u cadeyno Beesha caalamka iyo Soomaali kalaba, Markii aan garan waynay cid aan kaga dacwoona ra’iisul Warasaaraha oo aan beeshiisa Habargidir xitaa ugu dacwoonay, mudo laba bilood ah ayaan si hoose xal u raadjneynay ntaan ka badana ma aamusnaan karin” ayuu yiri Boqor Buurmadow.

Waxaa sidoo kale shirka Jaraa’id qeyb ka ahaa Siyaasiyiin caan ah oo ay ka mid ahayeen Maxamed Cabdi Xayir Maareeye Cabdi Ismaciil Samatar iyo xubno kale oo kasoo keeda deegaanada Soomaaliland.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More