Cabdiraxmaan Beyle oo ka hadlay sababihii uu ku waayay kursiga Baarlamaanka

Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo shir ja’raaid maanta ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sharaxaad ka bixiyay sababta uu ku waayay kursigaas oo uu afartii sano ee la soo dhaafay uu ku fadhiyay.

Cabdiraxmaan Beyle Wasiirka Maaliyada ayaa ku macneeyay sababta uu ku waayay kursigiisa arrimo la xiriira Miisaaniyada dalka.

“Waxaan doonayaa inaan dadka Soomaaliyeed la wadaago aniga waxaan runtii halkaan u jooga inaan maamulo miisaaniyadda dalka, xildhibaan haddii uusan wasiir la socon kolayba aniga ma joogeen, sharaf weyn ayey ii tahay inaan xildhibaan ahaado laakiin haddaan tayda ka hadlo miisaaniyadda iyo dhaqaalaha dalka inaan u maamulo si sharciyeysan ayaan jooga.” ayuu yiri wasiir Bayle.

Sidoo kale Wasiir Beyle ayaa shirka jaraa’id ku sheegay in sida wanaagsan ee uu u wato howlihiisa ay sababtay inuu ku waayo dad badan oo ay asxaab ay ahaayeen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More