Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ku baaqay in la taageero Ra’iisul Wasaare Rooble

Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee khilaafka Farmaajo iyo Rooble oo lagu guuldareystey in xal laga gaaro.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal uu soo dhigey bartiisa waxa uu ugu baaqay shacabka,Beesha Caalamka iyo Madaxda Maamul goboleedyada inay ku garab istaagaan Ra’iisul Wasaare Rooble arrimaha doorashooyinka iyo kiiska Ikraan Tahliil

HOOS KA AKHRISO QORAALKA CABDIRAXMAAN CABDISHAKUUR

Ujeedka ugu wayn ee uu Farmaajo ka lahaa wadahadalka waa in kiiska Ikraan la xagal daaciyo, waqti la iibsado, si uu uga soo kabto filasha waagii xilka looga qaaday agaasimihii hore ee NISA, iyo in la hakiyo dardarta RW ee gacan ku haynta hay’adaha amniga.

 

Dad badan ayaa is waydiinaya muxuu ku diiday tanaasulkii uu Rooble sameeyey. Wuxuu doonayey in uu kalsoonida ka dilo dadka uu Rooble magacaabay, loona tusiyo in uu ka tegi karo.

 

Haddaba, Farmaajo tanaasul iyo xal laga sugi maayo ee qoladii dhexdhexaadinta waday mowqifkooda shacabka ha u caddeeyaan. Shacabka, Dowlad Goboleedyada,

 

Midowga Murrashaxiinta, iyo beesha caalamkaba labalabaynta ha iska daayaan ee RW garab buuxa ha siiyaan, hawlaha doorashada hala dardar geliyo, Ikraana caddaalad ha loo helo. Isaguna labaclabacda iyo waqti lumiska ha joojiyo, waaya-aragna maalmo ha noogu kaadiyo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More