Cabdiraxmaan Cabdishakuur;”Inqilaabka Farmaajo waa nabar la filayay naxdin malaha”

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ku tilmaamay qoraal xalay ka soo baxay Madaxtooyada Qaranka inay tahay inqilaab la filayay.

Qoraal uu soo dhigey barta Facebook ayuu ugaga hadlay warkii xalay ka soo baxay Villa Soomaliya isagoo Cabdiraxmaan Cabdishakuur u qeybiyay qodobo shan ah.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka uu soo saaray Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Inqilaabka Farmaajo waa nabar la filaayey naxdin ma laha, waxaanse u baahannahay in aan isla garanno shantaan qodob;

1- In uusan Farmaajo dalka Madaxweyne ka ahayn, 10 bilna uu xafiiska sharci darro ku fadhiyo, ayna tahay in uu ka soo baxo Villa Somalia.

2- Golaha Wadatashiga Qaranka, wuu shiri jiryay, Farmaajana shaqo kuma lahayn shirkooda.

3- Sixitaanka iyo socodsiinta doorashada waa hawl madasha uu Ra’iisul Wasaare Rooble hoggaamiyo u taalla.

4- Muddo xileedkii Golayaasha Dawladda wuu dhamaaday, Aqalka Sare waa la soo doortay, Golaha Shacabka ayaa dhiman, Ra’iisul Wasaaraha ayaa leh awoodda xil-gaarsiinta ee ay ugu horreyso dhamaystirka doorashada iyo Amniga dalka, waana in uu xilka hayaa ilaa iyo inta doorashadu ka dhamaanayso, madaxda qarankana laga dooranayo.

5- Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Muqdisho, waa in ay RW Rooble, garab istaagaan, gaashaanna u noqdaan, si wadajir ahna uga hortagaan dhagarta uu Farmaajo maleegayo, iskana qabtaan calooshood u shaqaystayaalka uu adeegsado.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More