Cabdiraxmaan Cabdishakuur:”Waxa Muqdisho maanta ka dhacay waxa lagu tilmaami karaa Gaboodfal”

Aug 20 (Jowhar.com)- gaarka ah ah ee arrimaha Gurmadka Abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa cambaareeyay rasaas maanta lagu kala eryey dad ku banaanbaxayay magaalada Muqdisho.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo hore dowladii hore ee uu Madaxweynaha ka ahaa Maxamed Cabdulaahi Farmaajo isaga iyo siyaasiyiin kale oo banaanbaxyay lagu kala eryey rasaas 19 Febraayo 2021 ayaa bartiisa Facebook waxa uu ku qoray qoraalkan hoos ku xusan,

Waxaan cambaaraynayaa rasaasta la huwiyey mudaaharaadkii maanta Muqdisho ka dhacay. Raali kama ihi rabshadaha iyo dhagaxtuurka dibadbaxayaasha, waxaase ka halis wayn adeegsiga rasaasta nool.

Maalinkaa Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweynihii xilka kaga horreeyey Shariif Sh. Axmad waxaa ku hareeraysnaa ciidan ku soo weeraray hoteelkii ay degganayeen.

Madaxweynihii sidaa yeelayna, maanta dal kale ayuu marti u yahay, kii uu weerarka ku ahaa ayaa dalka xukuma. Abwaan Cabdi Muxumad Amiin (AUN), ayaa laga hayaa “Taariikhdu dadkay bartaa Dunida waayaheedee”

Sheegow waa sarkaal ciidan, haddii uu dambi galay waxay ahayd in Maxkamad ciidan bixiso amarka soo qabashadiisa, shacabkana lagu wargeliyo hawlgalka ka dhanka ah, warbaahintana laga ilaaliyo sida bahdilan ee loo soo bandhigay.

Dhaqanka askarta soo qabatay mid la daafaci karo ma ahayn, waxaase indhaha looga laabanayey dagaalka ay dawladu argagexisada AS kula jirto.

Haddiise xaalku gaaray in dibad-baxayaal la rasaaseeyo, ilaa iyo haatanna aysan dawladdu ka hadal, waxaa nagu waajib ah in aan caddayno in uu gaboodfal yahay falka maanta lagu kacay.

Igama aha in aan daafacayo dibad-baxayaal la rasaaseeyey oo keli ah, ee waxaa iila jira in aan xuquuqdayda ka difaaco bawdka banaankiisa, si tani aysan u noqon wado halaq mareen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More